Guddoomiye Shuute “Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta cidiisa ayaa lagu dhex toogana”
Talaado, April, 30, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo howlo nabadeyn ah u jooga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u diray dadka Soomaaliyeed ee qabiil ahaan isku dilaya.
Guddoomiye Shuute ayaa ku hanjabay in qofkii qof kale qabiil ahaan u dila iney Maxkamaddu ku hor toogan doonto reerkiisa.
"Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta, cidii uu lahaa waxbaan u dilay ayaa lagu dhex tooganayaa, gurigiisa ayaa lagu hor tooganaa…