Xog: Wasiir Khadiija oo gaari iyo lacag u dhiibtay Barkhad -…

Muqdisho (Axadle) – Sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaari nuuca raaxada ah u dhiibtay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid noqday Golaha Wakiilada ee Gobaladda Waqooyi. 

Xildhibaan Barkhad ayaa gaarigiisa iibiyay intii uu socday olalahiisa doorashada, isaga oo lacagtii kasoo baxday siiyey shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May, gaar ahaan haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay Xildhibaan Barkhad u dirtay lacag ka badan 15 kun oo dollar si uu isaga bixiyo lacag deyn ah oo ku baxday olalahiisa doorashada. 

Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Muqdisho dhowr jeer ku qabatay xaflado ay ugu dabaal dageyso guusha Xildhibaan Barqad. 

Khadiija iyo Barqad ayaa labaduba kasoo jeeda beelaha ay Soomaalida takoorto, waxaana guusha Barkhad aad usoo dhoweeyey Soomaali badan oo rumeysan in dadku wada siman yihiin.

Si kastaba, lacagta ay Muqdisho ku dirtay Wasiir Khadiijo ayaa ku soo aaday iyadoo ay dhibaatooyin badan wajahayaan dad badan oo ka barakacay fatahaada Wabiga Shabelle ee magaalada Jowhar, oo ah magaalada ay kasoo jeedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More