Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 26°C
Breaking: Guusha siyaasadeed ee Soomaalida qurbaha waxay cashar u tahay Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Maxaa kusoo kordhay xiisadda Turkey iyo Greece?

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Maxaa-kusoo-kordhay-xiisadda-Turkey-iyo-Greece

Turkey iyo Greece ayaa dhowaan dib u billaabi kara wadahadallo ku saabsan muranka aagga ay kala sheegtaan ee badda Mediterranean-ka, laakiin hogaamiyaasha Midowga Yurub ee toddobaadkan kulmaya ayaan caawin doonin arrintaasi haddii ay Turkey ugu hanjabaan cunnaqabateyn, sida uu yiri afhayeenka madaxweynaha Turkiga.

Labadan dal ee deriska ah kana tirsan xulufada NATO ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf ba’an oo ku saabsan baaxadda qolfoof badeedkooda bariga badda Mediterranean. Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii hore markii Turkiga uu u diray markab sahan ku sameeya gaaska iyo saliidda biyaha lagu muransan yahay.

- Advertisement -

Greece oo xubin ka ah Midowga Yurub ayaa cambaareysay talaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah, iyadoo Greece iyo Qubrus ay sugayaan jawaab adag oo ay ka helaan hogaamiyaasha Midowga Yurub ee Khamiista kulmaya.

Ankara ayaa toddobaadkii hore dib u celisay markabkii sahanka ee Oruc Reis. Waxay dib u celinta ku tilmaamtay dayactir lagu sameeyo markabka laakiin goor dambe ayay sheegtay in ay in ay u furan tahay fursad diblomaasiyadeed si loo yareeyo xiisadda kala dhaxeysa Athens.

Bishii la soo dhaafay Greece iyo Turkey ayaa ku dhowaaday in ay dib u soo celiyaan wadahadallada la xiriira howlaha “sahaminta” oo hakaday 2016-kii. Laakiin Turkiga ayaa xiriirka u jaray una diray markabka Oruc Reis biyaha lagu muransan yahay ka dib markii Greece la saxiixatay dalka Masar heshiis xadeynta badda ah, taasoo ka careysiisay Ankara.

Isha:VOA

How do you rate this story?

0 votes