Former JSP intelligence officer hit by political downfall
The views expressed in this article are the authors’ own and do not necessarily reflect Hiiraan Online’s editorial stance.
By Sayid-Ali HajiThursday March 26, 2026
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook, Xoghaye Abdirahman Odowaa ayaa shaaciyay inuu isaga baxay xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga JSP, arrin si degdeg ah u soo jiidatay indhaha taageerayaasha iyo la socda siyaasadda dalka. Odowaa, oo qoraalkiisa la xiriiray dhacdo ku beegneyd shalay oo Taariikhdu ahayd 25 March 2026, ayaa sidoo kale jeediyay eedo culus oo uu u diray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay Macallinkiisa iyo Bar-baariyihiisa Siyaasadda.
Odowaa waxa uu ka mid yahay jiil siyaasiyiin ah oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud siyaasadda ku soo biiriyay xilligii muddadiisii hore ee (2012 – 2017). Waxaase qoraagu xusay in Odowaa kaga duwanaa siyaasiyiintii kale ee Madaxweynaha uu fursadaha siiyay, maadaama uusan horey u qaban xil ama shaqo Dowladnimo, haddana Madaxweyne Xasan Shiikh uu u xushay in uu noqdo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Dalka. Odowaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu ka yimid Jaamacadda SIMAD, halkaas oo uu hoggaankeeda ka mid ahaa, iyadoo isla Madaxweyne Xasan Shiikh uu horay ugu dhiibay xilka Madaxweynaha Jammacadda.
Kala tagga siyaasadeed waa arrin soo jireen ah oo marar badan ka dhacda xisbiyada iyo isbahaysiyada, balse qoraagu waxa uu tilmaamay in dad badan oo taqaanna sooyaalkii xiriirka u dhexeeyay Abdirahman Odowaa iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay si gaar ah ula yaabeen waqtiga uu yimid qoraalka iyo eedaha uu Odowaa ku soo bandhigay. Sida uu qoraagu u arko, isbeddelkan ayaa ku soo aaday xilli uu Madaxweynuhu ku jiro xaalad kala guur ah oo u baahneyd garab istaag dadkii uu siyaasadda ku soo barbaariyay, isla markaana uu Odowaa ka mid ahaa.
Qoraagu wuxuu xasuusiyay in Abdirahman Odowaa intii u dhaxeysay (2017 – 2022) lagu tirin jiray Xildhibaanada Mucaaradka kuwooda ugu qeylada badan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray in 4tii sano ee la soo dhaafay dadka intooda badan ay waayeen muuqiisa siyaasadeed, isaga oo waqtigiisa ugu badan geliyay, sida uu qoraagu sheegay, dalaalidda Dhulka danta Guud iyo dhisashada Daaro. Wuxuu sidoo kale sheegay in muddadaas aan la xusuusan in Odowaa fagaare la yimid dhaliil toosin ah oo ka duwan aragtida Dowladda, balse taa beddelkeeda uu qeyb ka ahaa ansixinta 4tii Cutub ee hore ee Dastuurka iyo hirgalinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah—arrimo uu qoraagu u soo qaatay tusaale muujinaya sida uu Odowaa markaas ugu qanacsanaa jihada siyaasadeed ee uu hadda dhaliilayo.
Qoraagu waxa uu ku dooday in ay “meel ka dhac” tahay in Odowaa, sida uu u dhigay, ku balan furo Madaxweynihii u fududeeyay koritaanka siyaasadeed, isla markaana uu isku dayo in uu Madaxweynaha keli ku ceebeeyo ajandayaal ay, sida uu qoraagu sheegay, si wadajir ah uga shaqeynayeen 4tii sano ee la soo dhaafay.
Sidoo kale, qoraaga ayaa Odowaa ku tilmaamay siyaasi muddo “huursanaa” ka dib hadda doorbiday in uu ka dhex abuuro khilaaf siyaasadeed, isaga oo arrinta ugu weyn ee uu “iibinayo” ku sheegay dhabar ka toogasho uu u geystay Macallinkiisa iyo Bar-baariyihiisa Siyaasadda—tallaabo uu qoraagu ku andacooday in aanay wax qiime ah ka joogin Suuqa Siyaasadda.
Marka la eego sida uu qoraagu u fasiray kala tagga, wuxuu intaas raaciyay in haddii Odowaa ku balan furay Macallinkiisa, ay suuragal noqoneyso in uu dib u soo hunguriyeeyo Kursiga Hop#069, maadaama uu dib u doorashadiisii 2022 meel fagaare ah ka cadeeyay in aanu mar kale u soo socon.
——————————————————————————————————–
The views expressed in this article are the authors’ own and do not necessarily reflect Hiiraan Online’s editorial stance.