Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in wax horumara aan laga samayn karin wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya

 
Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (AX) – Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Kenya Maxamed Axmed Hurre ‘Barwaani’, ayaa ayaa BBC Somali u sheegay in ay haboontahay in Soomaaliya wixii walaac ay ka qabto heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay kala hadasho Gobaladda Waqooyi.
Waxa uu sheegay in wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu aanu ahayn wadada saxda ee xaalada wax lagaga qaban karo, waxa uu xusay in Gobaladda Waqooyi ay tahay cida wax bixisay oo anay jirin sabab Itoobiya loola hadlaa.
“Waxaanu u aragnaa in xalka meel aanu ku jirin laga dayayo, hadii xalka meel aanu ku jirin laga dayana waligeed lama gaadhayo, Gobaladda Waqooyi iyada ayaa Itoobiya heshiis la gashay, iyada ayaa dagan oo maamusha Badda Cas igo Gacanka, marka inta Soomaaliya ay Itoobiya la hadlayso waa in ay Gobaladda Waqooyi la hadasha, waayo anaga ayaa heshiiska galnay” ayuu yidhi Barwaani.
Waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya anay ku heshiin karin arrimaha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, madaama oo dhulkaa ay Gobaladda Waqooyi maamusho, waxa uuna soo jeediyay in hadii ay Soomaaliya walaac ka qabtay isfahanka Itoobiya ay Gobaladda Waqooyi la hadasho.
Mar wax laga waydiiyay in heshiiskii lagu gaadhay Jabuuti dhamaadkii sannadkii hore ay Gobaladda Waqooyi ka baxday kadib karkii ay Itoobiya la heshiisay ayaa waxa uu kaga jawaabay in dowlada Soomaaliya ay ka baxday oo ay sheegtay in midnimo lagu heshiiyay, sida si lamid ahna ay Soomaaliya ka baxday dhamaan heshiisyadii la gaadhay wadahadaladii hore.
Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Xukumaddaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kulan ku saabsan walaaca Soomaaliya ee heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ku yeeshay dalka Turkiga, kulankaasi oo aanu wax is-afgarad ahi kasoo bixin.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More