Xiisad u dhaxeysa Waqooyi Bari iyo SSC- Khaatumo oo ka taagan gobolka Sool

 
Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) – Wararka nagasoo gaaraya tuulada Buurawadal oo ku dhawaad 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Garowe, balse katirsan gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidamo ka kala tirsan maamulka Waqooyi Bari iyo kuwa SSC Khaatumo.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa kastam canshuuraha lagu aruriyo oo ay Waqooyi Bari ka hirgalisay degaanka Buurawadal iyo degaano kale oo hoos yimaada gobolka Sool, taasoo ay ka horyimaadaan ciidamo katirsan maamulka SSC Khaatumo.
Maalmo ka hor wafdi uu hoggaaminayay xisaabiyaha wasaaradda maaliyadda Waqooyi Bari ee gobolka Sool, ayaa booqday degaanka Buurawadal, iyagoo sheegay in la dardar galinayo ururinta canshuuraha gobolka Sool.
Socdaalka wafdigaas iyo kastamka laga furay Buurawal ayaa xiisad ka dhex abuuray labada dhinaca, iyadoo dad siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda gobolka Sool ay cambaareeyeen tallaabadaas, iyagoo sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu faragalin ku hayo degaanada SSC- Khaatumo.
Weli ma jirto cid katirsan SSC Khaatumo iyo Waqooyi Bari oo ka hadlay arrimahan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More