Xamse: Ciidamadii aan ugu talo galnay dagaalka Alshabaab waxay kala ilaalinayaan qabaa’ilada dirirsan

 
Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay bilowday inay colaad ka dhex abuurto qaba’ilada ku nool dhulkii ay ciidamada dowladdu xoreeyeen.
Arrintaasi ayuu raysal wasaaruhu sheegay inay gaabis ku keentay howlgalladii dib u xoraynta dalka, isagoo sheeay ciidamadii dowladdu ugu talo gashay dagaalka Alshabaab, in loo diray si ay u kala dhex galaan qabaa’ilada dagaalamaya.
“Ciidamadii aan ugu talo galnay inay shaqo kale qabtaan, waxay kaliftay inay qabaa’ilada kala ilaaliyaan. Waxaan ognahay inay Shabaabku ka shaqeynayaan colaaddaas,”ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Raysal wasaaraha waxa uu sheegay sababta dowladdu ugu guulaysan la’dahay inay soo afjarto Alshabaab in ay tahay, in dadka Soomaaliyeed ay cabsadaan oo ay baad siiyaan kooxda Alshabaab.
Xamse waxa uu eeddaas dusha ka saaray dowladda, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay sugto amniga dadka si aanay Alshabaab uga cabsan.
Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka Alshabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda aanay kaligood ku filnayn inay soo afjaraan dagaalka lagula jiro Alshabaab.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More