Wajigii koowaad ee qorshaha dib u howlgalinta Diyaaradii Soomaali Airlines oo soo gabagaboobay

 
Jimco, Juun, 14, 2024 (AX) – Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku dooneyso dib u howlgalinta Diyaaradii Soomaali Airlines.
Maareeye Axmed Macalin ayaa tilmaamay iney soo gabagabeeyeen guddigii loo magacaabay ka shaqeynta dib u howlgalinta Soomaal Airlines waji koowaad, islamarkaana macluumaad dhameystiran oo la xariira dib u howlgalinta Shirkadii diyaaradaha ee Soomaali Airlines ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaaradda Duulsta Hawada Soomaaliya.
“Waxaan wadnaa talaabo dib loogu howlgalinayo Shirkadii Diyaaradaha Soomaali Airlines, hadii la yiraahdo berito waa diyaar shaqada Shrkaddii Soomaali Arlines, anaga waxaa inoo diyaarsan dhamaan shuriicdii lagu dhaqi lahaa Shirkadda ee hay’adda ahaan inaga quseysa dhamaan file-ka ayay inoogu jiraan” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin Xasan
Axmed Macalin Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha ka jira garoomada ku yaala gudaha dalka oo uu sheegay in intooda badan ay yihiin kuwa jaay ah oo ay fadhiistaan biyaha roobabka, marka laga reebo garoomada kala ah Muqdisho, Barbara, Hargeysa, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo oo ah kuwa Laami ah oo waqti kasta diyaaraduhu ka dagi karaan.
“qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan ka hay’ad ahaan horumarinta garoomada diyaraadaha gudaha dalka, mana dhiirigalinayno in magaalo walba garoon diyaarad laga dhiso, sababto ah manco badan ma keeneyso in deegaan iyo degmo kasta laga dhiso garoon, waxaan qaba in maamul kasta uu yeesho hal garoon oo caalami ah, degmooyonka kalana la isugu raaco gaadiid, ma ahan gabar kasta iney tira maanta waxaan isku maray intaaso garoon” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin Xasan.
Hadalkaan kasoo yeeray Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo la filayo in dhawaan si rasmi ah u shaqo bilaawdo Shirkadii Duulimaadyada Soomaali Airlines.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More