Soomaaliya oo maanta laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka

Jimco, May, 31, 2024 (AX) – Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU) kadib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Berne ee dalka Switzerland Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin Cali Soomaali iyo Agaasimaha guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mr. Masahiko Metoki.
Ujeedka safarka wasiirka ee magaalada Berne ayaa la xariiray sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta Ururka UPU oo aheyd ku dhawaad 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo isugu jirtay qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey oo ka soo billaawday Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.
Agaasimaha Guud ee Ururka UPU, Mr Masahiko Metoki ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa, maadaama ay buuxisay shuruudihii laga rabay.
Deyn cafinta kadib Soomaaliya ay si rasmi u noqotay xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xanibaadii saarneyd mudada fog.
Wasiir Maxamed Aadan Macalin Cali Soomaali ayaa uga mahadceliyay Ururka UPU taageeradii kala duwaneyd oo ay siiyeen Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaado.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay qorshe u dajisay soo nooleynta howlahii Boostada dalka, islamarkaana kor loo qaadayo tayada shaqaalaha Boostada iyo agabka ay ku shaqeynayaan, lana gaarsiin doono magaalooyinka waa weyn ee dalka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More