Shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai oo joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho

 
Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) – Shirkadda Diyaaradaha ee FLY Dubai ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay fariinta lagu wargaliyay hay’adaha ay khusayso ee dowladda.
Duulimaadkeeda ugu dambeeya ayaa waxay sameyn doontaa 10-ka June. Sababta dhabta ah ee loo hakiyay duulimaadyada shirkadda Fly Dubai ayaa ah walaac dhanka amniga ah.
Waa markii labaad oo shirkadda Fly Dubai ay joojinayso duulimaadyadeeda Muqdisho.
Bishii Abril dhowr duulimaad oo ay kamid tahay Fly Dubai ayaa joojiyay duulimaadkoodii Muqdisho, kaddib markii safaaradda Mareykanka ay soo saartay digniin amni.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa dib u bilaabay duulimaadyadii ay ku tagi jireen caasimadda Soomaaliya maalmo kaddib.
Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa duulimaadyadeeda tooska ah ee Muqdisho bilowday 9-ka bisha Maarso ee sanadka 2023-ka, iyadoo ahayd diyaaraddii ugu horreysay ee si toos ah isugu xirta Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More