Dad ku dhintay laba beelood oo ku dagaallamay gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka Soomaalida

 
Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (AX) – Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in gobolka Doollo gaar ahaan degmada Wardheer ay ku dagaallameen labo beelood oo walaalo ah, dagaalkaas oo keenay khasaare Nafeed sida ay sheegeen dadka degaankaas oo Warbaahinta lasoo xidhiidhay.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Degaanka Soomaalida Abdiqaadir Rashiid oo lahadlay BBCda qeybta Afka Axmaariga ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen ilaa saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale Wasiirku waxa uu xusay in Laamaha Ammaanka ee Degaanka ay gaadheen goobta ay ku dagaallameen beelahan, isla markaana ay dajiyeen colaaddii halkaas ka jirtay,
Sidoo kale Masuul kale oo u hadlay mid kamid ah hay’adaha xuquuqal insaanka ee ka jira Dowlad Degaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Axmed Maxamed ayaa isna Warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi ay ugu yaraan ku dhinteen Afar qof, dadka degaankaasi waxay sheegeen in qof dumar ah ku jirtay dadkii ku dhintey colaaddan  inkastoo magaceeda aysan helin Warbaahintu.
Talaadadii aynu soo dhaafnay Ururka ONLF Warbixin aysoo saareen waxay ku cambaareeyeen dagaalkan labada beelood ku dagaallameen aagga Wardheer, iyagoo Warbixintoodaas ku sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen dagaalkan sidoo kalena Xukumadda ka codsaday in si degdeg ah loo kala gaaro beelahan dagaallamay dhiigga daadanayana la joojiyo.
Ma ahan markii u horreysay ee dagaalo dhex maraan beelaha wada dega gobolka Doollo, inta badan beelaha wada dega aaggaas ayaa ku dagaallama dhul beereedyo inta badan soo jiidantay murankoodu, isla markaana marar kala duwan sidanoo kale colaad uga dhex abuurantay beelaha wada dega dhulkaas, taas oo marka dambe keenta in dhiig badan ku daato colaadduna ay noqoto mid sii jiidanta oo  aan xal loo helin.
Dagaalkan u dambeeyay ayay wararku sheegayaan inuu daba socday aano qabiil oo horey u kala dhex martay labadan beelood ee wada dega degmada Wardheer ee Dowlad degaanka Soomaalida.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More