Kenya Maxay ka tiri go’aankii xukumada Soomaaliya ku jartay

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in Kenya ay guddi u saartay xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya xilli dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay la laheyd dalka Kenya sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Afhayeenka dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay “xiriir dhaw wadaageen sanadihii la soo dhaafay” ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah,” Ayuu yiri Oguna.

“Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan.” Ayuu ku daray.

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More