Itoobiya oo Baarlamaanka dalkeeda horgeesay heshiiskii ay la gashay Gobaladda Waqooyi

 
Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) – Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee dowladda Itoobiya, Alemu Sime, ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa horgeeyay heshiiska ay Itoobiya la gashay Gobaladda Waqooyi, heshiiskaas oo ku saabsan, in Itoobiya ay deked iyo saldhig militari ka hesho badda cas ee Soomaaliya.
Alemu Sime, ayaa xildhibaanada u sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi ee January 01 uu ka dhigan yahay heshiis  dhab ah  oo Itoobiya ka caawinayo helitaanka marin-badeedka.
“Tani waxay ka dhigi doontaa rabitaanka Itoobiya ee ah helitaanka marin badeed, taasoo keenaysa isbeddel asaasi ah waxqabadka saadka iyo iskaashi cusub,” ayuu yiri wasiirka gaadiidka Itoobiya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii machadka Machadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya uu marti galiyay wada-hadalladii 2-aad ee Badda Cas, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, hal ku dhiggiisuna uu ahaa baahida Iskaashi Goboleed ee badda cas.
Madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka hadlay muhiimada ay Itoobiya u leedahay gobolka Bada Cas, wuxuuna sheegay in Itoobiya aysan marnaba ka tanaasuli doonin doonisteeda badda cas.
“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay badda cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna badda cas” ayuu yiri  Jacfar Bedru.
Jacfar Bedru oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay wuxuu ugu yeeray cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ka dhabayso fulinta heshiiska ay la gashay maamulka Gobaladda Waqooyi, kowdii bishii January ee sanadkan, kaasoo ku saabsan in Itoobiya ay qeyb ka hesho badda cas.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More