Browsing Tag

Hoggaamiyaha

Maraykanka oo sheegay in hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish uu si qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya  ay halbowle u tahay isku xirka maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda.Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay…

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo kulan kula qaatay Muqdisho ku simaha Safaaradda Shiinaha

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada ayaa kulan la qaatay ku simaha Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya  Amb. CHEN WENDI iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada. Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay sidii dowladda Shiinaha ay uga qeyb qaadan laheyd wax ka qabashada arrimaha horumarinta iyo dhinaca gargaarka bani'aadanimo ee ka jira deegaanada maamulka SSC Khaatumo.Kulankaan ayaa qeyb…

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo sheegay in Gobaladda Waqooyi ku jabi doonto hadii ay dagaal kale ku qaado Laascaanood

 Talaado,  May, 21, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Gobaladda Waqooyi uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto.Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka yimid."Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu…

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo oo markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka Golaha Wadatashiga

 Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, shirkaas oo ka socda Muqdisho.Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsanayd xaaladaha guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu u baahan yahay inuu helo xuquuqda dastuuriga ah ee uu ku leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.Golaha Wadatashiga…

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.Taliyihii hore  ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee golaha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo.Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay, xilli qaar kamid ah wasiirradii maamulkaasi ay iska casileen xilalkooda, iyagoo qaarkood sheegay in fara galin lagu hayay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More