Hogaamiye Biixi oo kormeeray diyaarado cusub oo Gobaladda Waqooyi ay soo iibsatay

Sabti,  May, 8, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Millateriga Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeeray diyaarado cusub oo ay Gobaladda Waqooyi soo iibsatay.
Qoraal ay baahisay Aqalka Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in diyaaradahan lagu tababari doono duuliyayaal ay Gobaladda Waqooyi yeelan doonto, kuwaasi oo uu tababari doono Dugsiga Tababarka Duuliyenimada ee Gobaladda Waqooyi.
“Hogaamiyaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono dalka Jamhuuriyadda Gobaladda Waqooyi, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalku wuxuu intaa ku daray in xukuumadu ay soo kiraysatay tababarayaal duuliye oo caalami ah kuwaasi oo muddo 2 sanno ah kusoo saari doona duuliyayaal xirfadleh.
Hogaamiyaha ayaa sidookale kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Millateriga Gobaladda Waqooyi ee magaalada Hargaysa.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More