Hogaamiyaha Kenya oo sheegay in Alshabaab ay la wareegi doonto Soomaaliya kadib marka ay ATMIS ka baxdo dalka

 
Isniin, May, 27, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegi doonto awoodda Soomaaliya, haddii Midowga Afrika uu kala baxo ciidamadiisa dhammaadka sannadkan.
Isagoo ka hadlayay booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa xaalad la mid ah Afgaanistaan oo ka dhacda dalka Soomaaliya.
“Maanta, Kenya waxaa dib u celinaya caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor inta aanan halkan imaan sabtidii, waxaan xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ina heysata caqabado dhanka ammaanka ah, sababtoo ah dhimista ATMIS,” ayuu yiri Ruto.
“Mawqifkayagu waa in Maraykanku uu soo farageliyo oo uu beddelo jihada uu ku socdo, haddii kale ciidamada ATMIS waa bixidoonaan, argagixisaduna way la wareegi doontaa Soomaaliya. Uma maleynayo inay taasi qofna dani ugu jirto,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.
Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo ka tirsan ATMIS iyo kuwa aan ATMIS-ka ahayn, si ay ula dagaalamaan Alshabaab.
Kenya waxa ay sare u qaadday cabsida ah in ka bixitaanka degdega ah ee ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay faaido ugu jirto Al-Shabaab oo aan kaliya weeraro ka geysan Soomaaliya, balse ka howlgala qeybo ka mid ah Kenya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More