Ciidamada amaanka DFS ayaa saakay intooda badan gacanta ku dhigay

Ciidamada amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray Wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoysyada ay fariistaan, maadaama wadooyinka xaafadaha dhexmara mar hore lagu xiray dhagxaan.

Isgoyska qaybo ka mid ah Wadooyinka Warshadaha & Soddonka ayaa laga mamnuucay inay maraan gaadiidka, iyadoo biro, taayirro & dhagxaan la dhigayo bartamaha isgoysyada, sidoo kalena ay ka gudbayaan Wadada & Maka Al-Mukarama.

Sababta lama shaacin, warar kale oo ay heshay Axadle ayaa sheegaya in degmooyinka kale ee gobolka Banaadir aan loo ogolaan doonin inay adeegsadaan gaadiidka Bajaajta.

Dadka aan socon karin (lugahooda) waxaa lagu qasbay inay raacaan gawaarida & mootooyinka kala saaran labada dhinac isla markaana aan ka gudbi karin maadaama jidadka la xiray.

Sidoo kale, shalay waxaa loo xiray wadooyinka caasimada aaskii qaran ee loo sameeyay madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya AUN Cali Mahdi Maxamed iyadoo ay ka soo qeyb galeen hogaamiyayaasha ugu sareysa dalka, madaxdii hore & masuuliyiin kala duwan.

Inta badan Wadooyinka ay xiraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu bartilmaameedsadaa dad shacab ah oo dano gaar ah leh sida waxbarashada, shaqada iyo xarumaha caafimaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More