Liverpool Oo Guul-darro Kusoo Dhoweysay Xiddigihii Muddada Dheer
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay guul-darro weyni kasoo gaadhay kulan saaxiibtinimo oo ay waddanka Austria kula ciyaartay Hertha Berling, taas la iska dhaliyey toddoba gool.Liverpool oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ku jirtay jawi wanaagsan, isla markaana naawilaysay in ay qaybta dambe soo galaan Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo ay taageereyaashu kusii arkeen ciyaartoyda beddelka, ayaa waxay ku dhamaysteen guul-darro 4-3 ah.Hertha Berling oo aan halmarna laga badinin kulamadii saaxiibtinimo ee ay xagaagan…