Magacyada SAGAAL Ciyaartoy Oo Manchester United Ay Iibinayso Xagaan –
Manchester United ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan dhigaysa SAGAAL ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo aanu ku jirin kubbad-sameeyaha Faransiiska ah ee Paul Pogba, kaas oo ay ka naawilayaan in uu saxeexo heshiis cusub, xilli 11 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa.Red Devils oo suuqa iibka ciyaaartoyda ee xagaagan kala soo wareegtay Jadon Sancho, Raphael Varane iyo Heaton ayaa waxay hadda ka shaqaynaysaa sidii ay usoo celin lahayd lacagtii ay kharash garaysay.Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa haysta…