Maxay Tahay Sababta Uu Ole Gunnar Solskjaer Ugu Hanjabay Jadon Sancho,
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa uga digay xiddigaha Manchester United ee England ku matalayay koobka Qaramada Yurub inay seegi doonaan kulanka furitaanka Premier League haddii ay soo laabtaan iyagoo aan taam buuxda aheyn todobaadka danbe.Xiddigaha Ingariiska Harry Maguire, Marcus Rashford, Luke Shaw iyo saxiixa cusub Jadon Sancho ayaa dhamaantood ku soo laabanaya xarunta tababarka Carrington maalinta Isniinta.Laacibiinta khadka dhexe Paul Pogba iyo Fred ayaa iyagana ku balansan inay waqtigaas oo kale soo laabtaan ka dib…
