Xiddigii Labaad Ee Weyn Ee Liverpool Oo Laga Helay Cudurka

Sadio Mane ayaa laga helay cudurka Korona Fayras, wuxuuna seegi doonaa kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Aston Villa.

Xiddiga reer Senegal oo 28 sanno jir ah ayaa noqday xiddigii labaad ee Liverpool ee uu ku dhaco Koorna Fayras iyadoo uu sidoo kale ku dhacay saxiixa cusub Thiago Alcantara.

Labada xiddig ayaa seegi doona kulanka Premier League ee Aston Villa ee Axada iyadoo Thiago uu seegay kulankii Carabao Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal Khamiistii.

Liverpool ayaa xaqiijisay in Sadio Mane lagu arkay calaamado yaryar oo Korona Fayras ah balse guud ahaan caafimaadkiisa uu fiican yahay.

Inkastoo uu dareemayo inuu fiican yahay hadana wuxuu seegayaa kulanka Villa iyadoo uu seegi lahaa kulamo kale balse waxaa la aadayaa fasaxa kulamada heerka caalami.

Todobadii maalmood ee ugu danbeysay waxaa magaalda Liverpool la xaqiijiyay inuu cudurkaan ku dhacay 1306 qof iyadoo isbuucii ka horeeyay ay tirada aheyd 577

Liverpool ayaa haatan qarka u saaran inay noqoto magaalada ugu horeysay ee UK ee gabi ahanaaba karantiil la geliyo.

Mane waxay u badan tahay inuu shaxda ka bedeli doono saxiixa cusub Diogo Jota kulanka Villa Park.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More