Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 18aad
markaana uusan kala garaneynin cidaha degan xaafada Sadiiq markiiba hoos ayaa uu soo degay mar kale si uu socod u sameeyo waxaana inta uu socday ka horyimid wiilyaro ah oo aad moodo in Banooni uu ka yimid markaasuus ku yiri.
Sadiiq:
Wiilyoow I sug wax baan ku weydiin
Wiilkii:
Bal soo daa
Sadiiq:
Ma xaafadaan miyaad degan tahay
Wiilkii:
Haa ma qof ayaa kaa maqan
Sadiiq:
Gabar Amina la yiraahdo oo wiil yar sidata isla markaana markii hore Yurub ka timid ayaan raadinayey…