Lambarka Uu Edinson Cavani U Xidhan Doono Manchester United

Manchester United ayaa laba sannadood oo heshiis ah la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani, waxaana la filyaa in maanta oo Axad ah ama Isniinta berri uu soo gaadho England oo uu tijaabada caafimaadka ku maro magaalada London, kaddibna uu qalinka ku duugo heshiiska uu Red Devils kaga mid noqonayo.

Cavani ayey Manchester si bilaash ah ku helaysaa maadaama uu dhamaaday qandaraaskiisii PSG oo uu xor ahaa illaa bishii June oo uu macasalaameeyey kooxda reer France.

33 jirkan reer Uruguay ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda uu sida weyn u doonayay Ole Gunnar Solskjaer, laakiin markii ay ku fashilmeen saxeexyadii kale ee ay raadinayeen sida Jadon Sancho iyo Jack Grealish ayay xilli dambe u dhaqaaqeen in bilaash ay kula soo wareegaan Cavani.

Ka hor inta aanu heshiiskaba saxeexin ee aanu England soo gaadhin, warbaahinta kasoo baxda Ingiriiska ayaa waxay shaaciyeen lambarrada uu midkood xidhan doono Edinson Cavani, waana kuwo uu qaarkood hore dhabarkiisa uga soo muuqday intii uu ciyaaraha ku jiray iyo kuwo aanu waligii xidhanin.

Wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester ayaa waxa uu daabacay lix lambar oo midkood uu xidhan doono Edinson Cavani, waxaanay kala yihiin:

No.7: Cavani ayaa hore usoo xidhay lambarkan xilliyadii uu joogay Palermo iyo Napoli, laakiin United ayaa la doonaysay inuu qaato Jadon Sancho.

No.19: Marcus Rashford ayaa hore u xidhan jiray ka hor intii aan sannadkii 2018kii la siinin No.10. Haddii lambarkan uu xidho, waxay jamaahiirta United ka doonayaan Cavani inuu u shaqeeyo sidii halyeygii ay ku farxi jireen marka uu garoonka soo galo isaga oo xidhan No.19, goolasha badanna u dhalin jiray, waana Dwight Yorke oo saddexleydii koobabka ee sannadkii 1999kii qayb ka ahaa.

No.27: Waxa uu bannaanaday markii uu Marouane Fellaini ka tegay Old Trafford sannadkii 2019. Laacibka reer Belgium ayaa lambarkaas ku beddelay 31 oo uu isagana xidhnaa.

No.28: Waxa hore usoo xidhay Angel Gomes, waxaase kasii horreeyey oo xidhan jiray Morgan Schnediderlin, Anderson iyo David Beckham ka hor intii aanu No.7 u guurin.

No.30: Guillermo Varela oo ay isku waddan yihiin Cavani ayaa xidhan jiray.

No.32: Sannadkii 2017kii ayuu bannaanaaday No.32, kaddib markii uu Sam Johnstone ku biiray Aston Villa. Cartlos Tevez ayaa uga sii horreeyey oo ahaa laacibkii ugu magaca weynaa ee xidhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More