Miyuu Neymar Diyaar U Yahay Kulanka Man United Kaddib Markii
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba garabka weerar ee kooxdiisa ee Neymar JR uu diyaar u yahay kulanka adag ee ay Salaasada la ciyaari doonaan Man United ee ka tirsan UEFA Champions League.Neymar ayaa laga reebay liiska kooxdiisa ee kulankii ay xalay guusha 4-0 ka ah ka gaadheen dhigooda Nimes markaas oo uu laba gool dhaliyay Kylian Mbappe.Kulanka xalay ayaa yimid kaddib kaliya saddex maalmood markii uu Neymar matalay dalkiisa Brazil oo kulan isreeb-reebka koobka aduunka ah la…