Diyaaradaha ka shaqeeyaha Gudaha Dalka oo shaqo joojin
Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in diyaaradaha duullimaadyada gudaha dalka ka sameeya in ay saakay joojiyeen duullimaadyada maalinlaha ah ee ay ku kala tagaan Gobollada dalka.
Shirkadaha ayaa ka carooday kadib markii shaqo joojin lagu sameeyay mid kamid ah Shirkadahooda Nabadsugidda ka joojisay shaqada, waxaana lagu guuldareystay in xal laga gaaro arrintaas.
Buuq ayaa hareeyay in howlaha Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qaar kamid…