Weerar lagu qaaday Masjid oo lagu dilay 5 qof, lagu
Dabley ayaa shan qof ku dilay, 18 kalena ku afduubtay weerar ay ku qaadeen Masjid ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliska gobolka sheegeen.
Illaa boqol dabley oo ah tuugada lo’da xadda oo ku socda mootooyin ayaa rasaas ku furay Masjidka oo ku yaalla xaafadda Dutsen Gari ee degmada Maru, xilli ay dadka dukanayey salaadda Jimcaha.
“Burcadda waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii…