Maxay Real Madrid U Baahan Tahay Si Ay Ugu Gudubto Wareegga
Real Madrid ayaa xalay kaalinta labaad ee Group B si buuxda ugu fadhiisatay kaddib markii ay guul dahabi ah ka gaadheen Inter Milan oo ay ugu tageen garoonka San Siro Stadium.Kooxda reer Spain oo ay dersin ciyaartooyo muhiim ahi dhaawac kaga maqnaayeen ayaa toddoba dhibcood yeelatay kaddib 2-0 ay ku dhufatay toban ciyaartoy oo Inter ah oo uu waqti hore casaan ka qaatay Arturo Vidal.Tababare Zidane ayaa shax wax badan ka beddelan yihiin kusoo galay garoonka, waxaanu kaydka dhigay afarta ciyaartoy ee reer Brazil ee Casemiro,…