RW Rooble oo DG Galmudug u ballanqaaday in Xukuumaddiisa ay
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ka qaybgalay kulanka Golaha Wasiirada DG Galmudug ayaa dhageystay Warbixinnada kala duwan ee Wasaaradaha maamulkaas ay soo bandhigeen.
Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay diyaar u tahay gacansiinta Wasiirada DG Galmudug oo culeys kala duwan heysta, waxaana uu ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir oo Warbaahinta la hadlay kulankaas kadib ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ay iskaashanaya si looga gudbo caqabadaha taagan.
Ashkir ayaa sheegay in Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabayo socdaal uu uga baxayo Magaalada Dhuusamareeb si uu u tago deegaanno kale oo katirsan DG Galmudug balse uusan sheegin.
Ujeedka waxa uu ku sifeeyay in uu qiimeyn ku sameynayo meelaha uu tagayo, waxaana safarkaas ku wehliya Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Wasiiro la socda.
Safarka uu shaaciyay Maxamed Xuseen waxa uu ahaa Garoowe oo uu tagay 11-kii December 2020, Dhuusamareeb uu ku sugan yahay & Gaalkacyo, waxaana suuragal ah in uu caga-dhigo deegaanno kale.
Axadle.