Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Fool-ka-foolka Ahaa Ee Saaka Dhex
Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid, Florentino Perez ayaa saaka oo khamiis ah kulan toos ah la yeeshay Tababare Zinedine Zidane oo xaaladdu ku xun tahay, isla markaana guul-darrooyin xanuun badan loo xambaarinayay kulamadii ugu dambeeyey.Real Madrid ayaa kusoo jirtay toddobaad dhibaato badan oo ay ciyaartii ugu dambaysay 2-0 ku garaacday Shakhtar Donetsk oo halis gelisay fursadda ay Los Blancos ugu gudbi karayso wareegga 16ka, inkasta oo haddii ay ka badiso Borussia Monchengladbach Arbacada usbuuca soo socda ay…