Khayre & Guuleed oo Dooxa Ku yeeshay Kulamo Qarsoodi ah –
Musharaxiinta Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar saraakiil sar sare oo sirdoon ah Axaddii 13ka disember 2020.
Axadle Media oo daalacatay faahfaahinta safarka ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne oo ka soo kicitimay Moscow ayaa Dooxa ka soo dagay, inkasta oo la filayay in uu dib ugh laban doono Istanbul oo uu markii hore ka billaabay safarkiisa qarsoodiga ahaa.
Cabdikiriin Xuseen Guuleed oo isna la aaminsan yahay in uu la jeel ah madaxweyne Farmaajo iyo dowladda Qatar oo safar aan la shaacin ku tagay Nairobi ayaa shalay gaaray Dooxa si uu ugu biiro kulamada xasaasiga ah ee ka furmay.
Sida ay Axadle Media u xaqiijiyeen ilo xilkas ah oo kudhow kulanka Khayre & Guuleed Labada Musharax ayaa kulanka kahor dhowr shir oo kooban waxa ay la yeesheen madax katirsan xukuumadda Dooxa, iyaga oo kulamadaas kaddibna si gaar ah kulan xiran ula yeeshay saraakiil katirsan Muqaabaraadka Soomaaliya kuwaas oo Dooxa ku jooga.
Xafiisyada labada Musharrax oo ay Axadle la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen arrinka safarka, iyada oo labada kooxba ay info xaqiijiyeen in masharixiintoodu ku kala sugan yihiin Istanbul iyo Nairobi.
Axadle Media ayaa baahisay November 2020 in Musharixiinta kala ah Cabdikiriin Guuleed iyo Xasan Kheyre oo ay aad iskugu dhowyihiin hogaamiyayaasha talada heysa ay yihiin xulashada labaad ee dowladda Qatar kadib Farmaajo, arrinkaas hadda ma u muuqdaa mid Dhab & biyo-kama-dhibcaan ah oo soo ifbaxaya?
Xigasho: Ilo kaladuwan