Xiddig Man City Ah Oo Gaadhigiisii Lamborghini-ga Ah Gabi Ah

Daafaca bidix ee kooxda Manchester City ee Benjamin Mendy ayaa qarka u saaran in gabi ahaanba laga bur-buriyo amaba la xaraasho gaadhigiisa qaaliga ah ee Lamborghini.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun oo ah midka xogtan laga helayo, gaadhiga Mendy ee ah Lamborghini Aventador SVJ ayay bishii hore qabteen lana wareegeen boolisku.

Mendy ayay joojiyeen booliska UK iyagoo ku haystay inuu waday gaadhiga isaga oo aan sidan “Licence” sax ah oo uu gaadhiga ku watay.

Warbixinta The Sun ayaa intaas ku daraysa in Benjamin uusan wali booliska ku wareejin wax dhokumentiyo ah oo sax ah oo uu kaga bedbaado ciqaabo la mariyo.

Inta badan kiisaska noocan oo kale ah, booliska ayaa 14 maalmood haya gaadhiga ay qaladkaas oo kale ku qabtaan iyagoo intaas kaddib amaba gabi ahaanba bur-buriya ama xaraash ku iibiya.

The Sun ayaa sheegaya in imika 20 maalmood laga joogo markii la qabtay gaadhiga Mendy taas oo ka dhigan in ciyaaryahanku uu tartan uu gaadhigiisa ku bedbaadsanayo la geli doono wakhtiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More