CODEYN: 20-ka Xiddig Ee Abid Ugu Fiicnaa
Lionel Messi ayaa ah xiddiga abid goolasha ugu badan usoo dhaliyay hal koox balse sidaas oo ay tahay haddana waxa uu seegay booska 1-aad ee xiddiga ugu fiican ee abid Barcelona usoo ciyaaray kaddib cod jamaahiirta laga qaaday.
Xog ururin iyo cod ay jamaahiirtu ku dhiibteen barta Ranker, Lionel Messi ayaa kaliya booska 2-aad kasoo galay kala doorashada 20-ka xiddig ee loo arko kuwii abid ugu fiicnaa ee Barcelona usoo ciyaaray.
Halyeeyga booska 1-aad ka galay Messi ayaa ah Diego Maradona oo ay Argentina kasoo wada…