Paul Pogba Oo Ka Tagaya Man United Oo La Xaqiijiyay –
Wakiilka caanka ah Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in waqtigii Paul Pogba ee Manchester United inuu soo dhamaaday isagoo tilmaamay in xiddiga Faransiiska uusan sii joogi doonin Old Trafford.
Qandaraaska uu xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska kula jiro Manchester United wuxuu dhacayaa bisha Juun 2022 laakiin waxa ay u badan tahay inuu ka baxayo albaabka Old Trafford xagaaga soo socda.
“Waa soo dhamaatay, waxaan si buuxda u dhihi karaa in waqtigii Paul Pogba ee Manchester United inuu soo dhamaaday” ayuu Raiola ku…