Beesha uu ka soo jeedo gudoomiyihii la dilay ee degmada Hodan ayaa qaadatay go`aan adag
Muqdisho (Axadle) - Qoyska Gudoomiyihii Degmada Hodan C / xakiim C / raxmaan Ciise (Dhagajuun), oo bishii Janaayo lagu dilay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku baaqeen cadaalad ka dhan ah masuuliyiinta Dowladda.
Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beesha Ceyr ee Habargidir ayay ku cadeeyeen in seddex bilood kadib dilkii gudoomiyihii degmada Hodan aan wax cadaalad ah la helin oo dadkii la qabtay qaarkood lasii daayay.
Odoyaasha ayaa sheegay inay la kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisul…