Miyuu Haaland Isku Arkaa Inuu La Heer Noqday
Da’yarka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Norway ee Erling Haaland ayaa ka hadlay haddii uu isku arko mid la heer noqday xiddigaha kubadda cagta kasoo talinayay 15-kii sano ee ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Haaland ayaa markale qaadanaya xilli ciyaareed heer sarre ah isaga oo 33 gool kusoo dhaliyay 31 kulan oo uu kooxdaas u ciyaaray, qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sababay in lala xidhiidhiyo inta badan kooxaha ugu waaweyn Yurub.
Iyadoo uu hadda Messi 34 sano jir yahay isla markaana…