Maxamuud Sayid Aadan: “Ceelwaaq ayaa la dhigaa

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee DG Jubbaland oo guddoomay taageerada lacageed ee dhan $4 Milyan oo Qaramada Midoobay ay ugu talagashay in loogu gurmado dadka abaartu ku saameysay Gobolka Gedo ayaa faah-faahiyay qaabka shacabka loo gaarsiinayo.

- Advertisement -

Sayid aadan ayaa intaas raaciyay in waqti ku habboon gurmadda loo gacan-geliyay lacagta Xafiisyada kala duwan ee Qaramada Midoobay u qorsheeyeen in gargaar loogu badalo qoysaska dhibaatooyinka nololeed ku heysata Gedo & Jubada Hoose.

Abaarta, Ayaxa & xayiraadda Covid-19 waa saddexda dhibaato ee ugu weyn oo horseeday in qoysaska Xoolo dhaqatada & Beeraleyda ah ay isaga hayaamaan Degmooyinkooda si ay u raadsadaan meelo ka nolol wanaagsan.

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waa barta Xuddunta u ah gurmadka la gaarsiinayo Degmooyinka kale ee Gobolkaas, Maamulka Jubbaland ayaa u qorsheeyay in la dhigo kaalmada la siinayo dadka dantayar.

“Waa deeq wanaagsan in $4 Milyan oo doollar Qaramada Midoobay ugu deeqday dadka ku dhibaateysan Jubbaland, waxa aan u bandhigtay saameynta Ayaxa, Abaarta & xayiraadda Covid-19, Degmada Ceelwaaq ayaa xarunta ugu weyn laga dhigayaa si Koofurta Gedo loo gaarsiiyo kaalmada loo qorsheeyay qoysaska dhibaateysan” Sidaasi waxaa yiri Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee DG Jubbaland.

Degmooyinka Gobolka Gedo waxaa saameyn taban ku reebtay abaarta, waxaa qalalan dhulka, dhammaadkii 2020 waxaa dooggii naqa muuqda saarnaa dhibaateeyay Ayax ku habsaday waana tan keentay in Xoola dhaqatada isaga hayaamaan deegaannadooda.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More