KENYA oo DF u jeedisay eedeyn yaab leh oo la xiriirta weerarkii Ceel-Cadde ee 2016
Nairobi (Axadle) – Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah.
Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda…