Man City Oo Karbaashtay Leicester, Laba Ciyaaroodna Uga Hadhsan Yihiin
Manchester City ayaa 17 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, waxaanay markan guul kasoo gaadhay Leicester City oo ay ugu tagtay King Power Stadium, kuna soo garaacday 2-0.Ciyaartan oo ay inteeda badan maamulanaysay Manchester City ayaa qaybta hore ay kusoo dhamaatay goolal la’aan inkasta oo ay fursado goolal noqon karayey heleen, laakiin qaybtii dambe ayay City guusha u xaqiijiyeen Benjamin Mendy iyo Gabriel Jesus oo dhaliyey laba gool oo rajo la’aan ka dhigay Leicester City.Manchester City ayaa…