Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal – Klopp Oo Hubkiisa Culus La Shir Yimid &
Arsenal iyo Liverpool ayaa jilbaha isku dhiganaya garoonka Emirates Stadium, kulan labadoodaba muhiimad weyn u leh oo ay ku xidhan tahay rajadooda kaalmaha sare ee horyaalka Premier League.
- Advertisement -
Liverpool oo ku jirta kaalinta toddobaad ee horyaalka ayaa u halgamaysa guul ay sare ugu soo kacdo, uguna soo dhowaato kaalmaha sare ee horyaalka, halka Arsenal ay saddexda dhibcood ee kulankani ka caawin doonaan inay hesho niyad ay ugu dagaallanto inay kasoo muuqato tartanka Europa League ee xilli ciyaareedka dambe.
Tababare Jurgen Klopp ayaa kulankan kusoo bilaabay weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu Arsenal ka hor tegay ka dhaliyey siddeed gool, waxaana kulanku kaydka u diray Diogo Jota oo si joogto ah goolal ugu dhalinayay intii uu kasoo laabtay dhaawaca.
Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa afka hore la wadaagaya Roberto Firmino.
Difaaca oo ahayd meesha ay kooxdu ka dhimatay xilli ciyaareedkan ayay kusoo wada bilowdeen Ozan Kabak iyo Phillips oo kulamadii ugu dambeeyey bandhig fiican muujinayay, waxaana khadka dhexe tegay Fabinho oo ay is garab taagan yihiin James Milner iyo Thiago Alcantara, halka dhinacyada difaacana ay joogaan Alexander-Arnold iyo Andy Robertson.
Mikel Arteta ayaa isaguna kusoo bilaabay Nicolas Pepe iyo Alexandre Lacazette oo caawinaya Aubameyang, halka khadka dhexe na uu taagan yahay Martin Odegaard oo kaashanaya Dani Ceballos iyo Thomas Partey.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
ARSENAL XI: Leno, Chambers, Holding, Gabriel, Tierney, Partey, Ceballos, Aubameyang, Odegaard, Pepe, Lacazette.
Kaydka: Ryan, Bellerin, Willian, Soares, Mari, Nelson, Elneny, Nketiah, Martinelli.
LIVERPOOL XI: Alisson, Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson, Fabinho, Milner, Thiago, Mane, Firminho, Salah.
Kaydka: Adrian, Wijnaldum, Kieta, Oxlade-Chamberlain, Jones, Jota, Tsimikas, Shaqiri, Williams.