Iska Ilow Thiago Silva, Joe Cole Oo Magacaabay Labadii Ciyaartoy Ee

Halyeygii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Joe Cole ayaa magacaabay labadii laacib ee sababta u ahaa bahdilkii ay Chelsea kala kulantay West Brom oo galabta ku xasuuqday Stamford Bridge.

- Advertisement -

Thomas Tuchel ayaa laga jabiyey rikoodhkii guul-darro la’aanta, waxaana heshay West Brom oo ku karbaashtay 5-2 iyagoo waliba marti ahaa.

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo kasoo laabtay dhaawac ayuu Tuchel kusoo bilaabay ciyaarta, waxaase uu 36 jirkani ku baxay kaadh cas qaybta hore oo maraysa daqiiqaddii 28aad.

Christian Pulisic ayaa Blues hoggaanka u dhiibay qaybta hore, balse kaddib casaankii Silva waxay natiijada qaybta hore noqotay 2-1 ay West Brom ku horreysay, waxaana qaybtii dambe ay ugu sii dartay saddex kale iyagoo dhashatay gool labaad waqti dambe.

Halyeygii Chelsea ee Joe Cole oo ka hadlay guul-darrada soo gaadhay kooxdiisa hore ayaa magacaabay labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa wixii dhacay.

Joe Cole ayaa xiddigaha guul-darrada u horseeday Blues aan ku darin Thiago Silva oo casaankiisu uu wax badan beddelay, waxaana uu soo qaatay Jorginho iyo Marco Alonso oo uu tilmaamay in bandhiggii liitay ee ay la yimaaddeen uu dilay kooxdooda.

Labada kaadh ee uu qaatay Thiago Silva ayaa ku yimid isagoo saxayay qaladaad uu sameeyey Jorginho oo sidoo kale goolka labaad ee West Brom isagu kubadda isku dhiibay.

Cole ayaa yidhi: “20kii ama 30kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, Jorginho iyo Alonson waxay bixiyeen baasas qaldan oo aynaan ku arag Chelsea intii uu tababaraha ahaa Tuchel.”

SI kastaba, Chelsea ayaa wali ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxayse lumin doontaa haddii ay badiso West Ham United oo laba dhibcood ka dambaysa walina aan ciyaarin kulankeeda toddobaadkan.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More