Chelsea Oo Iska Xaadirisay Finalka FA Cup, Man City Oo Loo Xoog
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup kaddib markii ay ciyaar adag oo Wembley ka dhacay ay 1-0 ku garaaceen Manchester City.Chelsea ayaa ciyaar tayadeedu sarrayso qaybtii hore ku dawakhisay Man City, isla markaana si aan beryahan laga arag City hoos ugu dhigtay kubbad haynteeda, taas oo ay gaadhsiisay boqolkiiba 35.Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxdiisu ay bilowgii ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Hakim Ziyech, laakiin waxa lagu qabtay OFFSIDE iyadoo uu falcelin degdeg ah sameeyey VAR, waxayse goolka…