Real Madrid Oo Garaacday Barcelona, Benzema Oo Taariikh Cusub Dhigay
Real Madrid ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Barcelona oo ay ku martigelisay garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaanay kaga badisay 2-1.Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay xamaasaddeeduna sarraysay ayay labada kooxood ugu dagaallameen midkii hore u ruqaansan lahaa, isla markaana hoggaanka ku qabsan lahaa Atletico Madrid.Zinedine Zidane ayaa shax beddel cajiib ah sameeyey ciyaartan isagoo khadka dhexe awoodda saaray, waxaanay taatikadiisu shaqaysay dariiqaddii 13aad oo Fede Valverde oo ahaa laacibka ku cusbaa safka kooxdu uu kubbad…