Riyadii Manchester United Ee Harry Kane Oo Dhamaatay Kaddib
Murankii dhex maray Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa dilay fursaddii ay kooxda Manchester United u haysatay in ay kula soo saxeexato weeraryahanka reer England ee Harry Kane.Gool-dhaliyaha Tottenham ee Kane ayaa lala xidhiidhinayay in uu tegi doono Red Devils, kaddib markii uu shaaciyey in uu mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhi doono marka ay soo dhamaadaan ciyaaraha Euro 2020 ee xagaaga.Sida uu qoray wargeyska The Sun toddobaadkii hore, guddoomiyaha Spurs ee Daniel Levy ayaa ka gaws-adaygaya in uu Kane ka iibiyo koox…