Hordhac: Man City vs Tottenham – Finalka Carabao Cup, Taariikho Muhiim
Koobkii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan ayaa maanta la kala qaadayaa waddanka Ingiriiska, waana finalka EFL Cup /Carabao Cup oo ay iskugu soo hadheen labada kooxood ee Manchester City iyo Tottenham Hotspur.Kulankan oo ka dhacaya garoonka qaranka ee Wembley, waxa loo ogolaaday in ay kasoo qayb-galaan taageereyaal tiradoodu tahay illaa 8,000 qof oo fadhiisan doona garoonka gudihiisa, kuwaas oo ilaalin doona kala-fogaanshaha.Manchester City ayaa u dagaallamaysa in ay xilli ciyaareedkan samayso taariikh oo ay ku wada guuleysato…