Hordhac: Man City vs Tottenham – Finalka Carabao Cup, Taariikho Muhiim

Koobkii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan ayaa maanta la kala qaadayaa waddanka Ingiriiska, waana finalka EFL Cup /Carabao Cup oo ay iskugu soo hadheen labada kooxood ee Manchester City iyo Tottenham Hotspur.

Kulankan oo ka dhacaya garoonka qaranka ee Wembley, waxa loo ogolaaday in ay kasoo qayb-galaan taageereyaal tiradoodu tahay illaa 8,000 qof oo fadhiisan doona garoonka gudihiisa, kuwaas oo ilaalin doona kala-fogaanshaha.

Manchester City ayaa u dagaallamaysa in ay xilli ciyaareedkan samayso taariikh oo ay ku wada guuleysato tartamada maxalliga ah marka laga reebo FA Cup oo hore loogu reebay wareegga siddeedda, laakiin Tottenham ayaa iyaduna halgan adag u geli doonta sidii ay usoo afjari lahayd abaarta koobab la’aanta ee 13ka sannadood haysay.

Caadiyan finalka EFL Cup/Carabao Cup waxa la ciyaari jiray dhamaadka bisha February ama horraanta March, laakiin xilli ciyaareedkan dib ayaa loo dhigay si loo sugo inta xayiraadaha Korona la qaadayo, waxaana ugu dambayntii afurka maanta lasoo dhowyenayaa 8,000 oo taageereuaal ah oo Wembley iman doona.

Xaqiiqooyin muhiim ahManchester City ayaa haddii ay ku guuleysato koobka maanta, waxay soo qaban doontaa rikoodhkii Liverpool oo siddeed jeer ku guuleysay. Afar ka mid ah koobabka Liverpool ayaa isku xigay sannadihii 1981-1984.Tottenham markii ugu dambaysay ee ay ku guuleysato koob weyn, wuxuu ahaa sannadkii 2008 oo isla koobkan ay 2-1 kaga qaadday Chelsea, iyadoo uu Spurs tababare u ahaa Juande Ramos. Waa markii afraad ee ay finalka timaaddo Tottenham, waxaana labada jeer ee hore oo ahaa 2009 & 2015 finalka ku garaacay Manchester United & Chelsea.Kulanka maanta ayaa ah finalkii labaad ee ay Manchester City iyo Tottenham iskaga hor yimaaddaan. Sannadkii 1981 ayay iskugu soo baxeen finalka FA Cup, waxaana koobka qaadday Tottenham.Tottenham ayaa badisay dhamaan saddexdii jeer ee ugu dambeeyey ee ay tartanka EFL ku kulmeen Manchester City.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester City vs  Tottenham

Tartanka: Finalka EFL Cup / Carabao Cup

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wembley

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Sergio Aguero iyo Kevin de Bruyne ayaa dib ugu soo laabtay Manchester City waxaanay diyaar u yihiin in ay kulanka finalka ee maanta ciyaaraan.

Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, halka De Bruyne uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii semi-finalka FA Cup ee ay Chelsea kusoo garaacday.

Difaaca reer England ee John Stones oo kaadh cas qaatay ciyaartii Aston Villa ee toddobaadkii hore ayaa ganaax ku seegaya kulankan.

Dhinaca Tottenham, waxay ku ducaysanayaan in weeraryahankooda Harry Kane uu soo kabto, waxaanay go’aanka ugu dambeeya ka qaadan doonaan illaa daqiiqadaha ugu dambeeya. Halka, Ben Davies ay hubaal tahay in uu ciyaartan kaga maqnaanayo dhaawac kuraanta ah.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Steffen; Cancelo, Dias, Laporte, Mendy; Silva, Fernandinho, Gundogan; Mahrez, Torres, Sterling

Tottenham Hotspur: Lloris; Aurier, Alderweireld, Dier, Reguilon; Ndombele, Hojbjerg; Bale, Lo Celso, Son; Lucas

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More