Hordhac: Leeds vs Man United – Colaadda Guunka Ah Ee U Dhaxaysa,

Labada kooxood ee cadaawadda badan u dhaxayso ee Leeds United iyo Manchester United ayaa galabta foodda isku daraya garoonka Elland Road, halkaas oo la filayo in taageereyaal mudaharaadaya ay ku ooriyaan Manchester United.

Ciyaartan xamaasadda badan oo inta badan laga dareemo xafiiltan iyo cadaawad soo jireen ah ayaa waxa Leeds United ay halgan u geli doontaa sidii ay Red Devils u marin lahayd waddada Man City oo ay soo garaacday iyo Liverpool oo ay barbarro kusoo qabatay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Tababare Marcelo Bielsa ayay kooxdiisu 1-1 kusoo kala baxeen Liverpool Isniintii, waxaana uga horreysay Manchester City oo ay kasoo badisay.

Leeds oo fadhida badhtamaha miiska kala-sarraynta amaba kaalinta 10aad ayaa 16 sannadood oo ay ka maqnayd horyaalka Premier League, waxa aanay garoonkeeda Elland Road ku qaabbilin Manchester United, laakiin maanta ayay dib u helayaan taas, waxaanay wax walba u samayn doonaan sidii ay kooxda ay cadaawadda badani ka dhaxayso ay ugu garaaci lahayd.

Manchester United ayaa dhinaceeda xilli ciyaareedkani u yahay mid ay wanaagsan tahay oo kaalinta labaad ay kaga jirto miiska kala-sarraynta horaynta, waxaana guul ay ka gaadhaan Leeds ay keeni doontaa in ay siddeed dhibcood u jirsadaan Manchester City oo hoggaanka haysa.

Xaqiiqooyin muhiim ahKulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Leeds United ay ku martigeliso Manchester United tan iyo 2003, waxaana kulankaas u dambeeyey 1-0 ku badisay Manchester. Laakiin Man United laba jeer oo isku xiga kumay badinin garoonkan tan iyo 1976kii.Manchester United ayaa kulankii hore ee Leeds ay ku qaabbishay Old Trafford bilowgii xilli ciyaareedka, waxay ku xasuuqday 6-2, haddii ay maanta guuleystaanna waxay u noqon doontaa xilli ciyaareedkii saddexaad ee labada lugoodba ay ka badiyaan Leeds. Hore ayay Man United labadii ciyaaroodba uga badisay Leeds xilli ciyaareedyadii 1996-97 and 1999-00.Siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ee Leeds ay ka hor tagtay Manchester United, waxay ka heshay hal guul oo kaliya, waxaana laga badiyey shan halka labada kalena ay barbarro galeen. Saddexdii kulan ee ugu dambeeyey United ayaa wada guuleysatay.Leeds dhinaceeda dhulka lama dhigin shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka, waxaanay soo guuleysatay saddex kulan iyo laba barbarro ah oo ay ugu dambaysay ciyaartii Liverpool.Manchester United ayaa haysata rikoodh cajiib ah oo kulamada martida ay tahay ah, waxaana xilli ciyaareedkn 23 kulan oo ay garoonkeeda bannaanka uga baxday ay badisay 15 kulan iyo 8 barbarro ay galeen, walina lagama badinin.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Leeds United vs Manchester United

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 4pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Elland Road.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Leeds waxa ciyaartan ka maqan xiddiga reer Spain ee Rodrigo, waxaana uu shaki ku jiraa in Raphinha uu diyaar u noqon doono kulanka Manchester United, iyadoo tababare Bielsa uu ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya ka dhursugi doono, halka Rodrygo oo labadii kulan ee ugu dambeeyey kaga maqnaa dhaawac muruqa ah aanu isagu wax rajo ah ka qabin ciyaaartan.

Kabtan Liam Cooper oo casaan qaatay ciyaartii Man City ayaa kulankii labaad oo ganaax ah qaadan doona.

Dhinaca ManchesterUnited, waxa uu shaki ku jiraa Marcus Rashford oo dhaawacyo qaba, laakiin kusoo bilowday ciyaartii Burnley iyadoo sidan oo kael tuhun loo gelinayo taam ahaanshihiisa.

Eric Bailly ayaa usoo laabtay United kaddib toddobaadyo uu karantiil ugu jiray Korona Fayras, waxaase ay hubaal tahay in ay maqan yihiin Anthony Martial iyo Phil Jones.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Leeds United: Meslier; Ayling, Llorente, Struijk, Alioski; Costa, Phillips, Dallas, Harrison; Roberts; Bamford

Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Pogba, Fernandes, Greenwood; Cavani

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More