Ethiopia: Safiirka cusub ee Ethiopia ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho
Muqdisho (Axadle) - Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Safiirka cusub, C / fataax C / llaahi Xasan waxaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C / risaaq Abuubakar.
Safiirka cusub ayaa badalaya Jamaaludiin Mustafa oo mudo ahaa safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa ugu yeeray safiirka inuu ku soo biiro…