Manchester United Oo Lumisay Fursad Ay Ugu Dhowaan Lahayd Man City Iyo
Manchester United ayaa hal dhibic kasoo gashay garoonka Elland Road oo ay marti ugu ahayd Leeds United, iyadoo ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.Kulankan oo si weyn isha loogu hayay cadaawadda soo jireenka ah ee u dhaxaysa labadan kooxood, ayaa waxa inta badan kubadda maamulaysay Manchester United oo fursado wanaagsan u heshay in ay shabaqa soo taabato, halka Leeds United laga diiday rikoodhe VAR looga soo daawaday qaybtii hore.United ayaa barbarrahan ay gashay waxay ku ilaashatay rikoodhkeeda…