Laba Xiddig Oo Laf-dhabar U Ah Chelsea Oo Booliska Loogu Yeedhay,
Booliska ayaa loogu yeedhay laba ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Chelsea kaddib markii ay ka qayb-galeen xaflad sharci-darro ah oo Cobham lagu qabtay Axaddii, waxaanay jabiyeen sharciga kala-fogaanshaha iyo xakamaynta fayraska Korona.
- Advertisement -
Arrintan oo dhacday maalmo ka hor ciyaarta semi-finalka Champions League ee Real Madrid iyo Chelsea ayaa waxa la sheegay in baadhitaan lagu samaynayo, isla markaana ay miiska saaran tahay go’aamo ay ka mid noqon karaan in lagu rido ganaax ay ku seeaan kulanka Real Madrid ee lugta hore.
Toddobaadkii hore markii ay Chelsea u gudubtay finalka FA Cup ee ay Chelsea kasoo badisay Manchester City, ayaa waxa la sheegay inay labadan ciyaartoy iyo dad kale oo la socday qabsadeen xaflad.
Ciidamada booliska ayaa loo diray telefoon kaddib markii guriga Ben Chilwell ay iskugu yimaaddeen dad ka qayb-gelayay xafladdan oo halkaas ka dhacday.
Dadka deriska la ah Chilwell ayaa wacay booliska iyagoo ka cabanayay dadka tirada badan ee gurigaas ku sugan, isla markaana xafladda ka qayb-gelaya, waxaana goobta soo gaadhay ciidamada oo kala dareeriyey dadka.
Wargeyska Marca ayaa qoray in Ben Chilwell iyo Mason Mount aan wax tallaabo ah laga qaadin, ayna ciyaareen kulankii West Ham ee Sabtidii, sidaas darteedna loo ogolaan doono ciyaarta Real Madrid ee toddobaadkan ee lugta hore ee semi-finalka.
Ben Chilwell ayaa hore sidan oo kale u sameeyey bishii October oo ay xaflad wada qabsadeen Tammy Abraham, waxaanu waqtigaas bixiyey raalligelin, laakiin Mason Mount ayaa isagana waqtigaas lagu qabsaday in Declan Rice ay goob bannaan ah kubad ku wada ciyaareen iyadoo xilligaas aan dadka loo ogolayn in ay guryahooda ka baxaan.
Your browser does not support the audio element.