Goorma Ayuu Furmayaa Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Sannadkan, Waa se Kuwee
Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa la filayaa in uu noqon doono mid hadal-hayn badan abuura oo ay ciyaartooyo waaweyni ka tegi doonaan naadiyadooda, inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo ka dhalatay fayraska Korona ee sannadka iyo dheeraadka ay garoomadu u madhan yihiin.Tartamada Euro 2020 iyo Copa America ee xagaaga qabsoomi doona ayay kooxuhu si dhow ula socon doonaan iyagoo qiimayn qoto dheer ku samaynaya ciyaartoyda ay u baahan yihiin ee ka ciyaaraya labadaas tartan, laakiin waxa kale oo jiraya laacibiin aanay…